Madaxweyne Qoorqoor oo ku wajahan Gaalkacyo
Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maalinta barri ah ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug, halkaas oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Galmudug. Qoorqoor oo safar dhulka uga soo ambabaxaya Dhuusamareeb ayaa si deg deg ah ku tagaya Gaalkacyo, isaga oo aan waqti ku bixin doonin magaalooyinka Godinlabe, Cadaado iyo Bandiiradley. Gaalkacyo waxaa yaal 11-kursi oo golaha shacabka ah, kuwaas oo doorashadooda ay todobaadkii hore shaaciyeen gudiga doorashada Galmudug, waxaana haatan Gaalkacyo ku sugan musharixiinta u taagan kuraastaasi qaarkood. Qoorqoor waxaa culaysyo ka haystaan sida uu u maamulay doorashada labada aqal ee Baarlamaanka xubnaha laga soo doortay deegaanka uu ka taliyo, waxaana u guntamay cuqdado siyaasadeed, iyadoo ay u sii dheertahay in wakiilada beesha caalamku ay ku dhaleeceeyeen qoondada Haweenka oo Galmudug ay buuxi waysay. Madaxweynaha Galmudg ayaa si uu culaysyadaasi wax uga qabto haatan ugu degdagaya Gaalkacyo, wax...