Xog: weerada iyo qaraxyada Muqdisho


Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay kooxo weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday saldhigyada booliska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah ay weerartay saldhigyada booliska degmooyinka Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, isla markaana gacanta lagu dhigay maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka ayaa u xaqiijiyey warbaahintana in loo soo bandhigi doono kooxihii fuliyey weerarkaas ee gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Cabdifitaax Aadan Xasan Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa shaagay in hadda la hayo 7-qof oo ku eedeysan inay ka dambeyeen weerarka lagu soo qaaday saldhigyadaas.

Todobaadkii hore ayaa sidan oo kale la weeraray saldhigga degmada Kaxda iyo xaafadda dadka dhaqaalaha leh daganyihiin ee Daarusalaam.


Comments

Popular posts from this blog

Ra'iisalwasaare Rooble "Waa in doorashada xildhibaanada waqtigeedii lagu soo dhameeyaa"

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo lagu qarxiyey Kismaayo

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Shabeellaha dhexe